Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyneyaasha Uganda iyo kenya oo Kursi Muhiim ah larraadinaya Hogamiyaha Mucaaradka Kenya Raila Odinga

Talaado-Feb-27-2024-{HMC} Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Kenya ahna hoggaamiyaha mucaaradka ee ugu weyn dalkaasi Raila Odinga ayaa olole xooggan ugu jira sidii uu u hannan lahaa kursiga guddoomiyaha ururka Midowga Afrika.

Raila Odinga ayaana taageero ka raadinaya madaxda dalalka Afrika si uu kursigaasi ugu soo baxo marka uu xilka baneeyo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat oo xilkiisa ku eg yahay bisha Febraayo ee sannadka 2025.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa kala hadlay madaxweynaha Kenya William Ruto sidii hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga uu ugu tartami lahaa jagada ugu sarreysa Midowga Afrika (AU).

Yuweri Museveni ayaana gurigiisa ku kulan siiyay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto iyo Raila Odinga, waxa uuna kala hadlay madaxweynaha sidii hoggaamiyahan u noqon lahaa guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

“Aad ayaan ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Yuweri Museveni oo si adag u taageeray musharaxnimadayda iyo Madaxweyne Ruto oo si buuxda u taageeray” ayuu bartiisa X kusoo qoray Raila Odinga.

Kursiga guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika (AU) ayaa sannadka soo socda waxaa u tartami doona hoggaamiyaal kasoo kala jeeda dalalka Afrika, waxaana dal walbo olole xooggan u gali doonaa hanashada kursigaasi.

WARARKA