spot_imgspot_imgspot_img

Maydka Marxuum Cabdinaasir Dahable oo loo qaaday Hargeysa

Sabti, Feb, 24, 2024 {HMC} Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho diyaarad looga qaaday maydka gaasimihii waaxda diyaaradaha ee heyโ€™adda duulimaadka rayidka Soomaaliya Cabdinaasir Muuse Dahable oo 18-ka bishan meydkiisa laga helay gurigii oo ku yaala Waaxda Janaraal Daaโ€™uud, gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.

Marxuumka ayaa loo duuliyay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, halkaas oo ay dagan yihiin ehelladiisa, si loogu aaso.

Xildhibaano ka tirsan labada gole oo deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi iyo masโ€™uuliyiin kale ayaa maydka marxuumka kusii sagootiyay garoonka Muqdisho.

Kiiska Cabdinasaair Dahable ayaa dhaliyay shaki xoogan, waxaana soconaya baaritaan ku aadan dilkiisa oo loo soo xiray illaa 6 qof, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

Agaasime Cabdinaasir ayaa kaligiis deganaa guri ku yaalla garoonka Aadan Cadde, waxaa la garan waayey cidda ku dhex dishay gurigiisa.

Sidoo kale wuxuu dilkiisu sii xoojiyay xiisadda haatan u dhexeysa dowladda federaalka iyo Somaliland oo isku hayay arrinta maamulka hawada ee dalka.

Madaxweyne Muuse Muuse oo dhowaan khudbad jeediyay ayaa ka hadlay dilka Cabdinaasir Dahable loogu gaystay magaalada Muqdisho, kaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda Somaliland, sidoo kalena u shaqeynayay hayโ€™adda duulista hawada Soomaaliya.

โ€œMadaxweyne Xasan Waxaan ku leeyahay ninkii Soomaliland ee Xamar aad ku disheen godobteeda adeey ku agfadhidaa, uma qabno in ilmo yar yar iyo qaar kale ay ka timid, arrintan waxaa weeye anaa ku dilay anaa kuu gar qaadaya ana kuu goโ€™aaminayoโ€ ayuu yiri.

Lama oga in geerida agaasimihii waaxda diyaaradaha dalka ka howlgala ee dowladda federaalka ay ku lug leedahay xiisadda ka taagneed hada Soomaaliya, waxaana laga war sugayaa baaritaanada socda ee lagu ogaanayo cidda dishay marxuumka.

WARARKA