Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Guudlaawe oo shir guddoomiyay shir deg deg ah arrimo Muhiim ahna looga hadlay

Sabti, Feb, 24, 2024 {HMC} Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo caawa shir-guddoomiyay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Hirshabeelle

Waxaa kale oo ka qeyb galay shirka Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo masuuliyiin ka socotay hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) oo uu hoggaaminayay guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle.

Shirka gaarka ah ayaa warbixin looga dhageystay guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle oo ku aadan raadadka ay reebtay daadadkii Elnino

Sidoo kale waxa ay warbixinta kusoo gudbiyeen inay ku dhawaad 500-kun oo ruux ay ku saameysay Hirshabeelle, iminkana waxaa taagan %65 cabsi laga qabo Elnino ka dhallato Roobka Gu’ga ee la filayo inuu dhawaan curto.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa faray dhammaan cida ay khuseyso inay ka hor dhacdada ay talaabo qaadaan si loo yareeyo khatarta ay geeysaneyso.

WARARKA