Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka oo Booqasho ugu tagay ciidamo si gaar ah utababaran kuwasoo kageybgali doona carbis millatary.

Khamiis 22-Feb-2024 {HMC} Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/Gaas Ibrahim Sheikh Muxuyidiin ayaa booqasho ugu tagay ciidamo si gaar ah u tababaran, kuwaas oo ka qeyb gali doona Carbis Military oo lagu wado in maalinta Sabtida ah lagu qabto dalka Kenya.

Carbiskan ayaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya matelaya kusoo bandhigi doonaan tababarkooda iyo awooddaa ay leeyihiin, waxaana lagu qiimeyn doonaa tababarka ciidanka Soomaaliya loo dhisay.

“Carbiska kaddib waxaa abaal-marinno la guddoonsiin doonaa ka qeyb galayaasha, abaal-marinahaas oo isugu jira mid maaddi iyo ammaan ah oo dalka macno weyn u leh.”ayuu yiri taliyaha ciiddanka xoogga dalka.

Taliyaha ciiddanka Xoogga dalka Ibraahim Sheekh Muxuyidiin ayaa kula dar-daarmay ciidamada ka qeyb qaadanaya carbiska Milatari in ay tusaale u noqdaan sharafta iyo karaamada Qaranka iyo ciiddanka Somaaliyeed.

“Waxa la iska rabo markaa halkaas tagtaan waa adkeysi, dulqaad, iyo Akhlaaq, iyo inaa la dhihin ciidamada Soomaaliya ma helin tababar ku filan, waxaa la idinka rabaa in aad muujisaan awoodiina iyo tababarkiina”. Ayuu yiri taliyaha ciidanka xoogga.

Ciiddanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa waxaa diyaariyay dowlado Turkiga kamid yihiin, waxa ayna ciidamada kusoo bandhigi doonaan dalka Kenya heerka ay gaarsiisan tahay xirfadooda dhinaca tababarka.

WARARKA