Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne xasan sheikh oo saxiixay Heshiiska Somaaliya iyo Turkia

Khamiis 22-Feb-2024 {HMC} Waxaan saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo qayb ka ah dadaalada aan ku bixinayno dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya

Heshiiskani oo mudadiisu tahay 10 sano waa mid taageeraya hurumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka argagaxisada iyo ka hor taga wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya, waxa uuna Soomaaliya gaarsiin doonaa in ay dhisato Ciidan Badeed oo ku filnaada difaaca baddeenna

Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed, waxaana heshiiskan uu qeyb ka qaadanayaa nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

WARARKA