isniin 19 Feb-2024 {HMC} Magaalada Adis Ababa ee caasimada dadlka Itoobiya waxaa shalay lagu soo gabagabeeyay shir madaxeedka midowga Afrika, waxaana shirkaasi looga hadlay arrimo dhowr ah ay kamid yihiin xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.
War-murtiyeed gabagabada shirka laga soo saaray ayaa walaac looga muujiyay khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya , khilaafkaa oo ka dhashay heshiis beenaadkii Ra’isul Wasaaraha Itoobiya la gaaray Madaxweynaha Somaliland.
“Waxaan ka walaacsanahay xiisadda u dhaxaysa Jamhuuriyadda Itoobiya iyo jamhuuriyadda Soomaaliya, ka dib saxiixii heshiiskii isfaham ee dhex maray Itoobiya iyo gobolka waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) 1 Janaayo 2024” ayaa lagu yiri warka.
Midowga Afrika ayaa sidoo kale war-murtiyeedka ay soo saareen ku caddeeyay in ay ka go’antahay taageerada iyo dhoorista madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya .
“Goluhu wuxu dib u xaqiijinayaa sida adag ee ay uga go’an tahay iyo taageerada uu u hayo dhowridda midnimada, sharafka dhuleed, madax banaanida iyo gobanimada dhamaanba dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jiraan kuwa jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya iyo jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Midowga Afrika.
Madaxda Midowga Afrika ayaana war-murtiyeedka ay soo saareen ugu baaqay Soomaaliya iyo Itoobiya in ay qaboojiyaan oo xaliyaan xiisada u dhaxeysa ayna yeeshaan wadahadal nabadeed oo xiisada xal looga gaarayo.