Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xildhibaan Abdiraxmaan A\shakuur oo Kasoo Horjeestay Safarka MD Xasan Shiq ee Itoobiya.

Jimco 16 Feb-2024 {HMC}  Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ahna xildhibaan katirsan golaha shacabka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa go’aan qalad ah ku tilmaamay safarka uu madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ku tagayo dalka Itoobiya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in go’aanka uu qaatay madaxweyne Xasan Sheikh uu yahay mid aan laga fiirsan oo lagu degdegay. Wuxuu sheegay in dowladda laga rabay inay hoos u dhigto xiriirka Itoobiya.

“Addis Ababa heshiis naga dhaxeeya maan ogayn. Waxaan ogayn inay kusoo xad gudbeen midnimada iyo madax bannaanida dalka. Waa inaan weydiin kartaa madaxweynaha, maxay tahay sababta kugu riixaysa in aad Addis Ababa shir uga qeyb gasho,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sheegay inay ahayd in dowladdu hoos u dhigto xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya Itoobiya, haddii ay ka maarmi weydana hoos loo dhigo meeqaamka wafdiga loo dirayo shirka AU-da.

Wuxuu sheegay baarlamaanka Soomaaliya oo ahayd inay madaxweynaha su’aalo ka weydiiyaan safarkiisa inay ku fashilmeen arrintaas, isagoo sheegay inay ku mashquulsan yihiin wax ka beddelka dastuurka dalka.

WARARKA