Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ninkii Muqdisho ku gubay xaaskiisa oo maanta la horgeeyay Maxkamad.

khamiis 15 Feb-2024 {HMC} Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta oo Khamiis ah horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud , oo isbuucyo kahor Muqdisho ku gubay xaaskiisa oo xaamilo aheyd.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in maanta maxkamadda gobolka Banaadir ay horgeeyeen ninkan ku eedeysnaa in nolosha ku gubay xaaskiisa, kaa oo ciidamada ammaanka soo qabteen isaga oo baxsad ku jira.

Xeer Ilaalinta Qaranka ayaana sheegtay in maxkamdeynta ninkan si deg deg ah loo bilaabi doono, waxaana Sayid Cali oo maalmo ku xirnaa magaalada Muqdisho noqoneysaa markii ugu horreysay ee caddaaladda la horgeeyo.

Aabaha iyo ehelada kale ee marxuumad Luul Cabdicasiis oo wali meydkeeda filinjeero ku jiro ayaa codsaday in caddaaladda la horgeeyo ninka gacankudhiiglaha, waxa ayna caddeeyeen in aysan qaadan doonin diyo ayna rabaan in ninkaasi isna loo toogto.

WARARKA