Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo xog cusub ka bixiyay Baaritaanka weerarkii Xerada Jen. Gordan

Isniin 12 Feb-2024 {HMC} Wasiirka wasaaradda Difaaca Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa khadka taleefonka kula hadlay Wasiiru Dowlaha Difaaca ee dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Mubaarak.

Wasiirka ayaa ugu horreyn uga tacsiyeeyay xukuumadda, shacabka iyo ciidanka dowladda Imaaraadka geerida ku timid saraakiishii Imaaraadka ahaa ee lagu dilay weerarkii ka dhacay xerada ciidanka ee Jeneraal Gordan.

Waxa uu sheegay Wasiir Jaamac in saraakiishii Imaaraadka looga dilay weerarka ay yihiin halyeeyo summad u ahaan doona kaalinta dowladda Imaaraadku kaga jirto la dagaallanka AS iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa la wadaagay wasiiru dowlaha Difaaca Imaaraadka xogta halka ay mareyso baaritaannada lagu sameenayo weerarkii ka dhacay xerada Gordan, waxa uuna sheegay in weerarkaasi dad loo xiray ayna socdaan baaritaanno dheeraad ah .

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa caddeeyay in weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu dilay saraakiisha Imaaraadka u dhalatay uusan waxba u dhimi doonin xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

WARARKA