Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Saraakiil ka tirsan Imaaraadka oo lagu dilay Xerada Gen. Gordan ee Muqdisho

Sabdi 10 Feb-2024 {HMC} Labo ka mid ah saraakiisha tababarada ee Imaaraadka Carabta ayaa lagu dhex dilay gudaha Xerada Ciidanka Jen Gordon oo ku taalla degmada Hodan sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaraay

Labo kale oo ka tirsan saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa lagu dhaawacay isla xeradaas

Wararka ayaa sheegaya in askari ka mad ah ciidanka lagu tababarayay xeradaas uu falkan geystay.

Askariga ayaa ku dhintay israsaaseyn muddo socotay oo xerada ka dhacday.

Mid ka mid ah saraakiisha la dilay ayaa ahaa taliyihii ugu sareeyay ciidanka Imaaraadka ee tababarka ka bixiya Xerada Jen. Gordon.

Lama oga sababta uu askarigan dilka iyo dhaawaca ugu geystay saraakiisha Imaaraadka, mana jiro illaa hadda war ka soo baxay laamaha amaanka dowlada Somalia

WARARKA