Sabti 10 Feb-2024 {HMC} Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Kuwa Deegaanka ayaa Manta Howlgalo Culus waxaa ay ka bilaabeeyn Deegaano hoostaga Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.
Howlgalkan ayaa lagu gaaray Deegaano dhaca Galbeedka Degmada Degmada Buulo-burte, Waxaana Ujeedkiisa uu ahaa Sidii Deegaanadaas looga Saari lahaa Xubno ka tirsan AS oo Si dhuumaaleysi ah deegaanadaas ku yimaado.
Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalkan uu yahay mid sii socon doono, waxaana uu Bulshada ugu baaqay in Ciidamada lala Shaqeeyo.
Sidoo kale waxaa uu Sheegay in uu biloowday howlgalka AS looga xureeynayo Galbeedka Gobolka Hiiraan.