Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Goobaha codbixinta Pakistan oo soo xirmay

Khamiis , 8-Feb- 2024 {HMC} Goobaha codbixinta ayaa la soo xiray doorashada guud ee Pakistan, oo ay hareeyeen rabshado goosgoos ah iyo mucaaradka oo cambaareeyay joojinta adeegyada taleefannada gacanta iyo internetka.

Xisbiga PTI ee ra’iisul wasaarihii hore ee la xiray, Imran Khan, ayaa ku tilmaamay in si ula kac ah loo caburinayo xuquuqda muwaadiniinta.

Maamulka ayaa sheegay in talaabdaas ay sabab u tahay amniga oo sii xumaanaya.

Shan ka mid ah ciidamada booliska ayaa la dilay kadib markii rag hubeysan ay bam ku xireen degmada waqooyi galbeed ee Dera Ismail Khan, halka magaalada Kot Azam lagu dilay askari kadib markii ciidamada la weeraray.

Laba goobood oo codbixineed oo ku yaal gobolka Baluchistan ayaa lagu weeraray bambooyinka gacanta laga tuuro.

WARARKA