spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada Yuhuuda oo looga digay qorshe cusub oo ay ka damacsan yihiin Marinka Gaza

Arbaco, , 7-2- 2024 (HMC)  Dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaa ka socda qaybo badan oo ka mid ah Marinka Gaza tan iyo Isniintii, iyadoo hawlgallada Khan Younis iyo weeraro lala beegsaday waqooyiga iyo badhtamaha Marinka Gaza

 

Dhanka koonfureed ee Gaza gaar ahaan Rafah, shaqaalaha gargaarku waxay ka digeen hawlgal kasta oo milatari oo halkaas lagu balaariyey, iyadoo sawirada dayax-gacmeedku ay muujinayaan magaalo cooshado ka samaysan oo lagu qiyaasay inay ku nool yihiin in ka badan 1 milyan oo rayid ah oo ku barakacay dagaalka

 

Agaasimaha xafiiska warbaahinta dawladda ee Xamaas ay maamusho ayaa sidoo kale ka digay balaarinta howlgalka ay keeni doonto musiibo ka daran mida taagan

 

Dhinaca kale, Mid ka mid ah “hogaamiyeyaasha ugu caansan” ee guutooyinka Shuhadada Al-Aqsa ayaa lagu dilay, isaga iyo 13 ka mid ah xubnaha qoyskiisa, duqeyn cirka ah oo Israel ay ku qaaday Deir al-Balah dhamaadkii isbuucii hore, kooxda ayaa ku dhawaaqday. Issam Khattab “Abu Mazen” lagu dilay guriga qoyskiisa

 

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Gaza ayaa ku eedeysay militariga Israa’iil inay xoojiyeen go’doominta xarunta caafimaadka ee Naasir ayna halis galiyeen nolosha 300 oo shaqaale caafimaad ah, 450 dhaawac ah iyo 10,000 oo barakacayaal ah. Dabayaaqadii Janaayo, Isbitaalka Nasser wuxuu ahaa isbitaalka ugu weyn ee ka shaqeeya Marinka Gaza , sida laga soo xigtay Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn.

WARARKA