Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey tahay Sababta looga daad gureeyay Ciidanka Badda Hindiya oo xeebaha Soomaaliya.?

Talaado, 6-2- 2024 {HMC} Cutubyo ka tirsan ciidamada badda dalka Hindiya ayaa la geynayaa biyaha istaraatiijiga ah ee Jabuuti, Gacanka Cadmeed, Xeebta Bari ee Soomaaliya iyo sidoo kale Waqooyiga iyo Badda Carabta.

Sababta loo geynayo ciidamada Hindiya halkaas ayaa ah si ay u ilaaliyaan maraakiibta ganacsiga iyadoo la eegayo xaaladda amniga badda ee gobolka sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Hindiya.

 

Ajay Bhatt oo ah Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Dalka hindiya ayaa isaga oo ku sugan Lok Sabha ka sheegay in ciidamada badda ay qeybahooda ka howlgalaan gacanka Cadmeed iyo xeebaha Bari ee Afrika si ay ula dagaalamaan burcad badeedda.

 

Todobaadyadii lasoo dhaafay maraakiibta dagaalka Hindia ayaa ku guulaystay inay soo badbaadiyaan maraakiib iyo kalluumaysato ajaanib ah oo ay afduubteen kooxaha burcad badeedda Soomaaliya, kuwaas oo doonayayinay ka qaataan madax furasho.

 

Waxaa jiray walaac caalami ah oo isa soo tarayay oo ku saabsan maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto oo weerar ku qaaday maraakiib ganacsi oo kala duwan oo marayay badda cas tan iyo bishii November.

 

Weerarrada kooxda Xuutiyiinta ayaa u muuqda inay jawaab u yihiin weerarka milatari ee Israel ay ku qaadday Magaalada Gaza ee dhulka Reer Falastiin.

WARARKA