Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Haweeney ninkeeda oo askari ahaa maanta ku gubtay Muqdisho.

Talaado, 6-2- 2024 {HMC} Dhacdooyinka laga argagaxo ee ka dhax dhacaya qoysaska Soomaaliyeed dhaxdooda ayaa muddooyinkan kusoo badanaya magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Waxaa maanta xaafad katirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir haweeney la sheegay in ay ku gubtay seygeeda oo askari ahaa, kaddib muran iyo khilaaf qoys oo lamaanahan soo kala dhax galay.

Haweeneyda dhibka geesatay oo la sheegay in ay maseersaneyd ayaa biyo kulul ku shubtay ninkeeda, waxaana ninka dhaawacyo kasoo gaareen qeybo kamid ah jirkiisa, iyadoona la dhigay isbitaal xaaladiisa lagula tacaalayo.

Dhacdadan ayaa imaaneysa xilli si weyn loo hadal hayo dhacdadii argagaxa laheyd ee nin kamid ahaa dadka Muqdisho degan ku gubay kuna dilay xaaskiisa oo aheyd xaamilo , sidoo kale aheyd hooyo korsaneysay lix carruur ah.

Nin kale ayaa isna Jimcihii lasoo dhaafay degmada Qoryooley si arxan-darro ugu goowracay xaaskiisa oo afar carruur ah u dhashay, waxa ayna dhacdooyinkan noqdeen kuwa vdad badan aad uga argagaxeen.

WARARKA