Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Abiy Axmed oo wax laga weydiinayo arrimo ku aaddan Damaca uu ku doonayo Badda Somalia

Talaado -06-Feb- 2024-{HMC} Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa saaka hortagay Baarlamanka dalkiisa, Xili dalkaasi ay ka taagan yihiin Xaalado kacsanaan ah kadib markii jabhado hubaysan ay ku kaceen nidaamka Abiy.

Abiy Ahmed ayaa la weydiin soonaa su’aalo kala duwan oo dhamaantood ku aaaddan dhibaatooyinka siyaasadeed ee dalkaasi uu wajahayo, waxaana wax laga weydiin doonaa arrimaha siyaasadda iyo colaadaha ka taagan gudaha dalka Itoobiya.

Sidoo kale heshiiska Badda Somalila ee uu la galay Madaxweynaha Mamaulka Somaliland ayaa wax laga weydiin doonaa iyo khilaafka Soomaaliya iyo xaaladaha kala duwan ee khuseeya Gobolka Geeska Afrika.

Dalka Itoobiya ayaa haatan dhex-da kaga jira Xaalado fowdo ah, iyadoo Jabhada Oramad aiyo Amxaarda ay weeraro Culus gaysteen, waxaana istagay isku socodka qaybo ka mid ah Koofurta Galbeedka dalkaasi.

WARARKA