Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

R W Ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac oo kulan la yeeshay ku xigeenka Madaxweynaha Bangiga Adduunka

isniin-05-Feb- 2024-{HMC} Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa la kulmay ku xigeenka Madaxweynaha Bangiga Adduunka ee u qaabilsan Horumarinta Karaanka Aadanaha, Mamta Murithi oo maanta dalka soo gaartay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorsheyaasha Istaraatiijiyadeed iyo kuwa hortabinta u leh Soomaaliya ee horumarinta karaanka bulshada iyo sidii Bangiga Adduunku u sii wadi lahaa, loona ballaarin lahaa taageerada uu Soomaaliya ka siiyo xagga horumarinta awoodda waxqabad ee bulshada. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa la wadaagay wafdiga Bangiga Adduunka muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado horumarinta xirfadda iyo aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ku xigeenka Madaxweynaha Bangiga Adduunka ayaa ugu hambalyeysay Xukuumadda guulaha waawayn ee ay gaartay muddadii ay jirtay, gaar ahaan dhammaystirka hannaanka dayn cafinta dalka oo guul ku soo idlaaday dhammaadkii sanadkii tagay, iyada oo sheegtay in ay xoojin doonaan taageerada dhinacyada kala duwan iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda.

WARARKA