Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Mareykanka oo Mar kale Ka Hadlay damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya

Arbaco-31-jan- 2024-{HMC}  Dowladda Maraykanka ayaa mar kale aad u adkaysay inay kala midaysantahay IGAD, Hay’adaha caalamiga ah iyo bahwadaagta kale ee Qaarada Afrika in Qaranimada iyo Madaxbanaanida dhuleed ee Soomaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

Hadalkan ayaa waxaa warbaahinta u sheegay Molly Phee Kaaliya Xoghayaha arrimaha dibibada u qaabilsan arrimaha Afrika.

“Waxaan qabnaa walaaca ah in is afgaradka la soo bandhigay uu caqabad ku noqon karo halgankeena wadajirka ah kaasoo ay ku jirto kaalinta Ethiopia ee sanadihii la soo dhaafay ee aadanaa la dagaalanka argagixisada.” ayay tiri Molly Phee Kaaliya Xoghayaha arrimaha dibibada u qaabilsan arrimaha Afrika.

Dowladda maraykanka ayaa sheegtay sidoo kale inay taageersantahay wadahadalada u dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobalada Waqooyi ee ku salaysan mustaqbalka Soomaaliya.

WARARKA