Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dowladda Soomaaliya oo loo dalbay in ka badan 1.6 bilyan doollar

Talaado-30-jan- 2024-{HMC} Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha samafalka ayaa sheegay in loo baahan yahay 1.6 bilyan oo doollar si loo caawiyo 5.2 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool sannadka 2024-ka.

“Codsigan soo baxay Talaadada maanta ah waxa uu ku dhawaad 40 boqolkiiba ka hooseeyaa dhaqaalihii loo baahdey sanadkii 2023,” ayay tiri Qaramada Midoobay.

 

Sanadkan 2024, tirada dadka u baahan doona gargaarka ayaa, sidda ku cad warbixinta, waxay hoos u dhacday 6.9 milyan, boqolkiiba 16 marka lala barbardhigo 8.25 milyan sanadka 2023.

 

Sikastaba ha ahaatee, waxyaabaha kale muhiimka ah ee warbixinta ku jiray waxaa qeyb ka ah in aysan jirin degmo illaa haatan loo aqoonsadey in ay wajahayso xaalad macluul ah ama ay kusoo fool leedahay musiibo.

WARARKA