spot_imgspot_imgspot_img

FAAH FAAHIN Nin xaaskiisa middi ku dilay magaalada Hargaysa

Isniin-29-jan- 2024-{HMC}  Ciidamada Booliiska Soomaaliland ayaa gacanta kusoo dhigay nin middi ku dilay xaaskiisii xalay 10:00 habeeno xaafada Shacabka ee magaalada Hargaysa.

Barta Facebook ee Ciidanka Booliiska Somaliland Qoraal lagu baahiyay  ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay ku guulaysteen in ay gacanta kusoo dhigaan eedaysanaha dilka gaystay.

 

“Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Jamaal Daaha Cabdiraxmaan ina Sarco Axmed oo 54 jir ah oo ku eedaysan inuu xalay abbaaro 10:30kii habeenimo ku dilay xaafadda Shacabka ee magaalada Hargaysa Marxuumad Sumaya Siciid Naasir oo ahayd xaaskiisii waxaanu uu ku dilay middi ( Soodh)”.

 

Booliisku waxa ay sheegeen in dedaal dheer iyo hawlgallo ay sameeyeen ay soo qabteen eedaysanaha, isla markaana uu ku jiro gacanta ciidanka “Eedaysanaha iyo marxuumaduba waxay kasoo jeedaan dalka Yemen , waxaana kiiskaasi baadhidiisa gacanta ku haya Hoggaanka Baadhista Dambiyada (C.I.D)” ayay warbixinta booliisku ku dartay.

 

wax faah faahin ah kama bixin Ciidamada Booliiska Soomaaliland sababta keentay in eedaysanuhu uu dilka gaysto.

WARARKA