Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Haweeney u dhalatay dalka Ruushka oo 27 sano oo xarig ah lagu xukumay

Jimco -26 2024-{HMC} Haweeney u dhalatay dalka Ruushka ayaa lagu xukumay 27 sano oo xarig ah, kadib markii lagu soo eedeeyay inay dishay nin wax ku qori jiray blog-ga militariga oo taageera dagaalka Ruushka uu ka wado Ukraine, iyadoo adeegsatay bam lagu soo qariyay taallo.

Dacwad oogayaasha ayaa maxkamada St Petersburg u sheegay in dilka Vladlen Tatarsky sanadkii hore ay amartay dowlada Ukraine.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Darya Trepova, ayaa beenisay inay og tahay in taallada ay ku jireen walxaha qarxa. Waxay u sheegtay maxkamadda inay u malaynaysay inay taalada lagu qariyay qalabka wax lagu dhageysto.

Maamulka Ukraine ayaa kiiskaas ku sheegay mid ay ka danmbeysay argagixiso gudaha ah.

WARARKA