spot_imgspot_imgspot_img

NISA oo shaacisay liiska magacyada hogaamiyeyaal AS looga dilay Howlgal ka dhacay Galhareeri.

Khamiis jan-25 2024-{HMC} Hawlgal qorsheysan oo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ay ka fuliyeen Gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Galhareeri oo ah xarunta ugu weyn ee Al shabaab ku leedahay Gobollada Dhexe ayaa lagu dilay 30 ka mid ah Dagaalyahanada Al shabaab  oo isugu jiray Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal ay ka mid ahaayeen xubno Ajaanib ah halka dhaawacu uu yahay ilaa 20 kale.

Goobaha lagu bartilmaameedsaday hawlgalkan waxaa ka mid ahaa xarunta Idaacadda Andulus, xarun lagu farsameyo Qaraxyada, xaruntaHowlgal Lagu dilay Saraakiil iyo Askar katirsan AS oo ka dhacday gobolka Galgaduud maaliyadda ee degmada Galhareeri, guri ay daganaayeen horjoogeyaal ka tirsan Al shabaab gaar ahaan kuwa sameeya Filimada ee lagu magacaabo Al-Kataa’ib, guri uu deganaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka gobolka Sh. Dhexe iyo guryo ay ku shiri jireen Jabhadaha Al shabaab.

Horjoogeyaasha Al shabaab ah ee lagu dilay weerarkan waxaa ka mid ahaa;

1. Qoor-Cadde oo ahaa horjoogaha xarunta Qurdubi, oo ah xarun ay ku faafiyaan fikradaha qaldan.

2. Macalim Maxamed oo ahaa ku-xigeenka xarunta Qurdubi.

3. C/kariin Shan-boqolle oo ka mid ahaa aasaasayaashii Al shabaab ee Galguduud.

4. Wareershe oo ahaa horjooge ka tirsanaa qeybta Gaadiidka.

5. Yamiin oo ahaa horjooge ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al shabaab ee Mudug.

6. Cabdullaahi Macalim Bashiir oo ka mid ahaa horjoogeyaasha Maleeshiyaadka ee Galguduud.

7. Ismaaciil Abu-Ruqiya oo ka tirsanaa qeybta marin-habaabinta Al shabaab Galgaduud.

8. Ciise Maxamed Wehliye oo ahaa Horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka ee Gobolka Sh. Dhexe.

9. Ciise Ruush oo ahaa Horjoogihii farsamada Hubka.

10. Usaama oo ahaa Horjoogihii Isgaarsiinta.

11. Xasan Nuur ka tirsanaa qeybta Gaadiidka.

Hawlgalkan oo jab xoog leh lagu gaarsiiyay Al shabaab ayaa xubnaha lagu khaarijiyay waxaa ka mid ahaa Ajaanib ka shaqeyn jirtay dhinaca Warbaahinta gaar ahaan qeybta ay ugu yeeraan Al-kataa’ib.

WARKAN WAXAA SO SAARTAY HAYADA NABAD SUGIDA SOOMAALIYA 

WARARKA