Khamiis jan-25 2024-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay iska fogeeyay inuu madaxweynaha dalka Masar kala xaajooday arrimo milateri oo la xiriira xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Waxa uu sheegay in uusan weydiisan dowladda Al-Siisi in ay ciidamo usoo dirto Soomaaliya, si ay uga taageeraan difaaca madax-banaanideeda, xilli uu madaxweynaha Masar uu sheegay inay difaacayaan Soomaaliya haddii Itoobiya ay ka laaban weydo xad-gudubka ay ku kacday.
“Waxaan aaminsanahay in dhibaatadu aysan weli gaarin halkaas (dagaal), waana sababta aan uga digayno Itoobiya oo aan u lennahay war ka jooga ha samayn sidaas,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Al-Carabiya.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay xilligaan ku talo jirin inay dagaal la gasho Itoobiya, balse ay ka waaban doonin buu yiri “difaaca dalkeeda haddii loo baahdo.”
“Kani waa dhul ay Soomaaliya leedahay, weligeenna kama daali doono cadaadis kasta oo ku yimaada.”
Marka laga soo tago hadalka madaxweyne Xasan, dhawaan Al-Siisi oo uu barbar taagan yahay ayaa sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xad-gudubkaasi, isagoo Itoobiya ugu goodiyay in Soomaaliya ay la dagaal gali doonaan haddii aysan ka laaban heshiis beenaadkii Addis Ababa.
“Masar ma ogolaan doonta inay cidna handado Soomaaliya, ama ay waxyeeleyso amnigeeda. Awoodda Masar yaan la tijaabin oo la handadin walaalahood, gaar ahaan dalalka walaalaha ah ee naga codsada in aan garab istaagno,” ayuu yiri madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al-Siisi.
Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa damaca Itoobiya si adag uga hortimid, ayada oo ku qaaday dagaal diblumaasiyadeed ay uga adkaatay Itoobiya, waxaana hadda muuqata in Soomaaliya ay sugeyso in Addis Ababa ka laabato xad-gudubka ay u bareertay.