spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweynaha Namibia oo laga helay cudurka kansarka

Khamiis jan-25 2024-{HMC} Madaxweynaha Namibia, Hage Geingob, oo 82 jir ah, ayaa u duulaya Maraykanka si uu u helo “daawayn gaar ah” oo dhanka kansarka, sidda uu sheegay xafiiskiisa

Tani waxay ku soo beegantay wax ka yar hal toddobaad ka dib markii uu xafiiskiisu sheegay in baaritaano caafimaad ay ku ogaadeen inuu qabo “unugyo kansar”

82-jirkan wuxuu ku qaadan doonaa “daaweyn cusub” gudaha Mareykanka muddo toddobaad ah, ka hor inta uusan ka soo laaban si uu ugu sii wato daweyntiisa Namibia, ayuu raaciyay xafiiskiisa.

Madaxweyne ku xigeenka, Nangolo Mumba, ayaa sii ahaan doona ku simaha madaxweynaha inta uu maqan yahay

Sikastaba ha ahaatee, walaaca laga qabo caafimaadka Mr Geingob ayaa waxa uu ahaa mid isa soo tarayay, iyadoo wararku ay sheegayaan in sanadkii hore uu qirtay inuu daciifay jirkiisa.

 

WARARKA