spot_imgspot_imgspot_img

Koox hubeysan oo nin ganaacsato ah ah caawa ku dilay Xaafada Bundoweyn

Khamiis 25 Jan 2024 {HMC} Rag bustoolado ku hubeysan ayaa fiidkii hore ee caawa oo Khamiis ah ku dilay allaha u naxariiste Marxuum Xuseen Shariif Amiin oo ka mid ah ganaacsatada sida weyn loga garanayay suuqa Firshida ee magaalada Baledweyne.

Marxuumka ayaa marka la dilayay ku sugnaa goob Biibito ah oo aan ka fogeyn gurigiisa.

Ciidamada Amniga oo goobta gaaray ka dib marka uu falku dhacay ayaa u suurta gashay in ay toogtaan mid ka mid ah ragii dilka geystay halka ruuxii la socdayna uu goobta ka baxsaday sida ay warbaahinta Hiiraaweyn media ay u xaqiijiyeen dad goob jog ahaa.

Ciidamada ayaa sidoo kale soo xiray qaar ka mid ah dhalinyarada xaafada gaar ahaan kuwii ka ag dhawaa goobta uu dilka ka dhacay.

Wararka ay warbaahinta heleyso ayaa sheegay in marxuum ganaacsade Xuseen Shariif uu maalmahii ugu dambeyay la kulmayay fariimo hanjabaado ah oo kaga imaanayay dhanka kooxda Alshabab laakin lama cadeyn karo waxa ay sida gaarka ah ugu beegsanayeen

WARARKA