spot_imgspot_imgspot_img

Farmaajo oo Si Kulul U Dhaliilay Ansixinta Habraaca Wax Ka Beddelka Dastuurka Soomaaliya

Khamiis jan-25 2024-{HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u dhaliilay tallaabada uu Baarlamaanka Federaalka ku ansixiyay Qaraarka Habraaca wax ka beddelka Dastuurka, isaga oo ku tilmaamay inay tahay “nasiib darro weyn” oo ku timid midnimada dadka Soomaaliyeed. Farmaajo ayaa sheegay in tani ay muujineyso sida hoggaanka dowladda uu uga meermeersanayo inuu si wax ku ool ah uga hortago wax uu ugu yeeray “damaca ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya”.

Qoraalka Farmaajo ayaa yimid kadib markii Guddoonka Baarlamaanka lagu eedeeyay inay hareer mareen xeer hoosaadka aqalka, gaar ahaan qodobka 90-aad, kaas oo dhigaya in xeer kasta oo aqrinta saddexaad soo mara loo qaybiyo xildhibaannada, iyadoo la siiyo muddo saddex maalmood ah si ay u soo aqristaan. Eedeymahan ayaa kusoo
beegmaya xilli dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah.

Intii uu xilka hayey, Farmaajo ayaa lagu eedeeyey inuu sameeyay muddo kororsi sharci darro ah, taas oo muran badan dhalisay kuna xadgudubtay Dastuurka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya. Tani waxay abuurtay xiisado siyaasadeed iyo khilaafyo dastuuri ah oo saameyn weyn ku yeeshay xasiloonida dalka.

Farmaajo ayaa ku booriyay madaxda dowladda iyo Baarlamaanka inay dhegaystaan baaqyada kala duwan ee ka imaanaya Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Xildhibaannada dalka, hoggaamiyeyaasha bulshada rayidka ah iyo waxgaradka, si loo helo dib u eegis dastuur oo ku dhisan heshiis bulsho, wadatashi iyo is-qancin.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka digay in dalku uu xamili karin “kala qoqob hor leh” iyo “ku takri-fal awoodeed” oo ay sameeyaan kooxo gaar ah, taas oo uu tilmaamay inay tahay khatar ku soo fool leh midnimada iyo xasiloonida Soomaaliya.

WARARKA