spot_imgspot_imgspot_img

Faahfaahino Dheeraad ah oo Kasoo Baxayo Howlgal Dhanka Cirka ah oo Ka dhacay Gobolka Galgaduud

Khamiis jan-25 2024-{HMC} – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka aroortii hore howlgal qorsheysan lagu qaaday magaalada Gal-hareeri oo ka titrsan gobolkaas, halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda AS.

Howlgalkan oo iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in khasaare lixaadleh lagu gaarsiiyay kooxda AS.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka warbixiyay in howlgalkaasi, isaga oo sheegay in lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen AS, laguna dilay xubno fara badan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in howlgalkan lagu burburiyay warshad lagu far-sameeyo qaraxyada oo ay lahayd kooxda iyo xarunta Idaacadda Andalus, sida uu hadalka u dhigay.

“Gal-hareeri waxaa ka dhacay hawlgal barakaysan, Khawaarij badan waa la laayay, xarumo ay ku jiraan Idaacad iyo Warshad lagu sameeyo qaraxyadana waa la burburiyay, alle ayaa ku mahadsan” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli howlgalka uu socdo, isla markaana ay faahfaahin ka bixin doonaan khasaaraha guud ee lagu gaarsiiyay kooxda AS.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda oo ku aadan howlalkaas iyo duqeynta isla socday ee guusha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa gobollada dhexe ka socday guluf culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.

WARARKA