spot_imgspot_imgspot_img

Dawlada Ciraaq oo dalbaday in Ciidanka Maraykanka laga saaro dalkeeda

Khamiis jan-25 2024-{HMC} Dawladda Ciraaq ayaa ku eedeysay Maraykanka in ay si aan ka fiirsi lahayn uga sii darayaan xaalka, kadib duqaymo kale oo ciidamada Maraykanku ku qaaday kooxaha  ay Iran taageertu eek u sugan dalkaas.

Afhayeen u hadlay ra’iisul wasaaraha Ciraaq ayaa ku qeexay weeraradaan kuwa faragalin ah kuwaas oo wax u dhimaya madaxbanaanida waddanka.

Wasiirka difaaca ee Maraykanka, Lloyd Austin ayaa sheegay in duqaymahaas oo laga fuliyay saddex aag ay ahaayeen kuwa aan laga maarmi Karin, ayna ahaayeen jawaab aan toos ahayn oo ay ka bixinayeen weeraro is-xigxiga oo lagu qaaday ciidamads Maraykanka ee Ciraaq.

Dawladda Ciraaq ayaa marar kala duwan ugu baaqday Washington in ay la baxdo 2,500 ee askari ee ka jooga Ciraaq.

WARARKA