spot_imgspot_imgspot_img

C/kariin Guleed”Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya waa lagu fashilinayay wada hadaladii ka dhacay Dalka Jabuuti

Khamiis 25-jan-2024-{HMC} Ergayga gaarka ah ee wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland Cabdikariin Xuseen Guleed ayaa sheegay heshiiskii dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi inuu ahaa mid lagu majo xaabinayay sii socoshada wada hadalada labada dhinac.

Mr Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay rajo wanaagsan ka qabtay wada hadalada mar kale dib u bilowday iyo qodobadii kasoo baxay shirka ka dhacay dalka Jabuuti.

Hase ahaatee, heshiiska Ethiopia ay la gashay Somaliland ayuu sheegay inuu Soomaaliya ku noqday arrin laga fajaco oo aysan dowladdu marna filayn inay ka suurtowdo Somaliland.

“Waxaan aaminsanahay in heshiiska dhacay uu ahaa mid ay dowladda Ethiopia ku fashilinaysay isfahamkii labada dhinac, waana ayaan darro in arrintaas dhacdo,” ayuu yiri ergayga dowladda Soomaaliya u qaabilsan wada hadalada Somaliland.

Cabdi kariin Guuleed wuxuu sheegay, dowladda Soomaaliya inay qadarin weyn u hayso Somaliland ayna diyaar u tahay in mar walba laga shaqeeyo sidii ay wada hadaladu usii socon lahaayeen.

Wuxuuse sheegay in dowladda Soomaaliya aysan raali ka ahaan doonin tallaabo kaste oo wax u dhimaysa qaranimada Soomaaliyeed.

WARARKA