Arbaco-24-jan-2024-{HMC} Raโiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka digay qorshaha ay haatan waddo Villa Soomaaliya ee ku aadan wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah ee dalkeenna Soomaaliya.
Khayre ayaa sheegay in halis weyn ay ku geedaman tahay damaca madaxtooyada, isaga oo sheegay in arrintan ay keeni karto xasilooni darro iyo hubanti laโaan siyaasadeed.
โWaxaan ka digayaa halista ku geedaaman isku-dayga ay Madaxtooyadu ku doonayso in ay ku beddesho Dastuurka Dalka iyadoo aan loo marin habraaca uu qeexayo Cutubka 15aad ee Dastuurka. Waa tallaabo khatar ku ah xasilloonida Dalka iyo wadajirka ummadda, Soomaaliyana u horseedi karta khilaaf hor leh iyo hubanti laโaan siyaasadeedโ ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in xilligan aan la joojin xilli lagu mashquulo siyaasad, loona baahan yahay in loo midoobo difaaca dalka, si looga hortago duulaanka Itoobiya.
Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh iyo raโiisul wasaare Xamza ka dalbaday inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni karo khilaaf horleh.
โDadka Soomaaliyeed waxay maanta meel uga soo wada jeedaan damaca iyo duullaanka ay Itoobiya ku doonayso baddeenna, mana jiro xilli aan maanta uga baahi badannahay midnimo iyo isku-duubni. Waxaan Madaxda Dalka ugu baaqayaa in ay ka fogaadaan wax kasta oo kala dhantaali kara wadajirka iyo dareen-wadareedka Ummaddaโ ayuu raaciyay.
Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray xildhibaannada labada gole, isaga oo ugu baaqay inay inay ilaaliyaan amaanada iyo masโuuliyadda culus ee loo igmaday, wuxuuna si gaar ah uga dalbaday in aysan halis gelin mustaqlka dalka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeedโ
Waxaan xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka ugu baaqayaa in ay ilaaliyaan ammaanada iyo masuuliyadda culus ee ay u hayaan Dalkeenna iyo dadkeenna, oo aysan lumin kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, kana fogaadaan tallaabo kasta oo halis gelin karta mustaqbalka Dalka iyo geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliyaโ ayuu ku daray.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta la filayo in xildhibaannadu ay meel-mariyaan wax ka beddalka Dastuurka oo ay horay uga digeen Farmaajo, Shariif iyo madax kale.