spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada Dowladda ‘oo fashiliyey’ weerar ay A S ku Gaadeen degaanka Caad

Arbaco jan-24 2024-{HMC} Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa aroortii hore ee saaka ka hortagay weerar qorshaysan oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Caad ee gobalka Mudug, oo bishii hore ciidamada ay kala waregeen kooxda.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in dagaalka uu dhaliyey khasaare isugu jira dhimashoiyo dhawac, inkasta oo weli aan tirada rasmiga ah la ogeyn.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, oo Hiiraanweyn ay la xiriirtay, ayaa u sheegay in dagaalka uu aad u xoogganaa, islamarkana ciidamada dowladda ay ka hortageen in Al-Shabaab ay gudaha u galaan Caad.

Dhinaca kale, afhayeenka ciidamada kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa xaqiijiyey inay weerareen saldhigyo ku yaalla Caad, wuxuuna sheegtay inay ku dileen askar ka tirsan ciidanka dowladda.

WARARKA