spot_imgspot_imgspot_img

Rajada Itoobiya ee Badda oo aad uyaraatay iyo ’ mowqifkeeda cusub heshiiska badda ee Somaliland

Talaado-23-jan-2024-{HMC} Ayadoo weli ay taagan tahay xiisadii ka dhalatay heshiiskii is-afgarad ee 1-dii Janaayo ay Addis Ababa ku saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland ayaa waxaa soo baxaya hadal cusub oo u muuqada in Itoobiya ay si ka duwan sidii hore u wajahayso arrintaas.

La-taliyaha amniga qaranka ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Redwan Xuseen ayaa bartiisa X (Twitter) ku soo qoray qoraal u muuqda in Itoobiya ay ka hadlayso halka ay ka taagan tahay arrinta madax banaanida Soomaaliya iyo duurxul ku socda Masar oo Soomaaliya ugu yaboohday garab istaag milateri, ayadoo Masar iyo Itoobiyana ay ka dhaxayso xurguf ka dhalatay biya xireenka weyn ee Itoobiya ay dhawaan dhisatay.

Redwan Xuseen wuxuu bartiisa X ku qoray “ka go’naanshaha Itoobiya ee nabadda iyo amaanka Soomaaliya waxaa lagu muujiyey dhiigga iyo dhididka wiilasheena iyo gabdhaheenna qiimaha leh. Itoobiya iyo Soomaaliya deris soohdin wadaaga kaliya ma aha, laakin waa dalal isku bah ah oo wadaaga luqad, dhaqan iyo dad. Xiriirka isku keen haya waa mid xoog leh. Himiladeennu waa mid isku xiran oo aan la kala saari karin. Heshiiska is afgarad ee Somaliland aan la yeelanay waa mid iskaashi iyo bahwadaag, kaasoo Itoobiya marin u siinaya badda marka xagga ganacsiga laga hadlayo. Ma aha in aan dhul ku darsanayno ama in loo qaato madaxbanaanida dhuleed ee waddan.”

Wuu sii waday qoraalka isagoo ka hadlaya dalal kale oo uusan magacaabin laakinse loo arko in uu si sarbeeban ugu jeedo dalalka Soomaaliya taageerada u muujiyey. “Walow ay taasi xaqiiqada tahay, jilayaasha qaar oo aan taageero sidaa u weyn siin Soomaaliya xilligii ay baahida weyn qabtay ayaa hadda iska dhigaya saaxiibbo dhab ah, laakinse waxa dhiirri galinaya ma aha xiriir saaxiibtinimo, laakinse waa cadawnimo ay u qabaan Itoobiya. Ajendahoodu ma aha nabad iyo amni ka hirgala geeska Afrika. Si taas ka fog, waxay doonayaan inay abuuraan xiisad iyo fowdo. Xiisad abuurka aan iminka arkayno wuxuu uga sii darayaa xiisadda, wuxuuna u danaynayaa danta jilayaasha dibadda ka jooga ee danaystayaasha ah.”

Wuxuu ku celiyey baaq aan cusbayn oo ah in Itoobiya ay jeceshahay in deriskeda ay wadahadal la yeelato “ayadoo aragtidu tahay isdhexgal heer goboleed.”

Sidee loo arkaa hadalka Itoobiya?
Maxamed Salaad (Dhegaweyne) waa qoraa iyo cilmi baare, wuxuuna hore ula soo shaqeeyey xilliyo kala duwan dawladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, haatanna wuxuu ka faalloodaa arrimaha gobolka. Wuxuu sharxayaa ujeeddada ka dambaysa hadalka Redwan Xuseen.

“Luqaddu waa mid diblomaasiyadeed, dhinac markaad ka fiiriso waxaad arkaysaa in Ridwaan uu hadalladii adkaa ka soo debcay sida ay dadka qaar u arkaan,” ayuu yiri Dhegaweyne.

Mar uu ka jawaabayey inay suurtogal tahay in labada dhinac ay wadahadal isugu yimaadaan, ayadoo mid kasta uu wax ka tanaasulayo si meel dhexe la isugu yimaado wuxuu sheegay in ay taasi suurtogal ku noqon karto haddii heshiiska Itoobiya iyo Somaliland dhex maray uu meesha ka baxo.

“Haddii ay Itoobiya bad danaynayso waxaa suurtogal noqonaysa markaa in ay si toos u wajahdo dawladda Soomaaliya, wixii markaa ku yimaada dawladda Soomaaliya iyo Somaliland oo wadajira waa wax soconaya, laakinse waxa doodda weyn dhaliyey ayaa ah in aan la kala garanayn in Itoobiya ay raadinayso saldhig ciidan iyo inay raadinayso meel ay ganacsigeeda kala soo degto,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray Dhegaweyne in dhinac marka laga eego la dhihi karo “Itoobiya way soo jilicday”.

Itoobiya wuxuu ku tilmaamay inay tahay “awood goboleed” marki hore si ka duwan sida hadda u haminaysay, laakin hadda doonaysa inay si kale u wajahdo. “Itoobiya waxaa ka dhaadhacsanayd in siday rabto ay wax u socodsiin karto, taasina waa midda keentay dhibkan,” ayuu yiri.

Arrinta ku saabsan heshiiska dhex maray Masar iyo Soomaaliya ayuu aad ugu nuuxnuuxsaday in ay keentay qaabka ay Itoobiya hadalka u dhigtay maadaama ay ka dhex aragtay jaanib sedexaad.

“Safarka madaxweyne Xasan sheekh uu ku tegey Masar ee uu heshiiska kula gala galay ayaa Itoobiya ku dhaliyey cabsi weyn ayadoo Itoobiya iyo Masar ay isku hayaan biyo xireenka ay Itoobiya dhistay. Mar hadii ay Masar timaado Soomaaliya waxay Itoobiya ka cabsi qabtaa inay ku hubayso mucaaradka gudaheeda ah,” ayuu yiri.

Soomaaliya weli kama jawaabin hadalka cusub ee Itoobiya ka soo baxay, ayadoo Itoobiya ay dalbanayso wadahadal.

WARARKA