spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne cagjar oo War ka so saaray xuska sannadguuradii 31-Aad ee Aasaaska Dowlad degaanka Soomaalida

Talaado-23-jan-2024-{HMC} Mustafe Muxumed Cumar Cagjar Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida ayaa qoraal uu so dhigay bartiisa Facebook waxa uu kaga hadlay Xuska Aasaaskii Dowlad degaanka Soomaalida oo markii u horreysay la xusayo, iyo ahmiyadda ay u leedahay shacabka degaanka Soomaalida in la xuso maalintan iyadoo wax badan laga baranayo taariikhdii uusoo maray degaanka Soomaalidu.

Madaxweynuhu waxa uu ugu horreyn ka hadlay Aasaaska Dowlad degaanka Soomaalida iyo waxa laga faa’iiday, isagoo xusay in waxa ugu horreeya ee taa laga faa’iiday ay ahayd in la isu keenay oo la isu soo ururiyo Soomaali badan oo ku kala firidhsanayd guud ahaan dalka Itoobiya, kaddibna la sameeyo Dowlad degaan Soomaalida gaar u ah oo iyagu ismaamulayaan, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.

Mr Cagjar ayaa waxa uu sheegay Madaxweynuhu in ujeedada xuskan loo qabanayo ee loo xusayo ay tahay in shacabka degaanka Soomaalidu dib u xasuusto taariikhdii uu degaanka Soomaalidu soomaray ” Ujeeddada xuskani loo qabanayo waa in dib loo milicsado taariikhdii la soo maray, lagana barto cashiradii lagu mareeyn lahaa durruufaha maanta iyo wixii iman kara mustaqbalka ” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Cagjar waxa uu qoraalkiisa ku xusay in 31kii sano ee uu degaanka Soomaalidu jiray ay shacabku la kulmeen xaalado kala duwan oo qaarkood aan lamahadin kuwaas oo shacabka degaanka ku reebay xanuun badan, sidaa oy tahay Madaxweynuhu waxa uu sheegay in inta badan Shacabka degaanku aysan rabin wakhti xaadirkan inay dib usoo laabato dhibaatooyinkii ay horey usoo mareen, isagoo xusay in shacabku maanta u baahan yahay waxay maanta haystaan wax ku sii darsadaan oo wixii hagaagsanna la sii xoojiyo, wixii aan hagaagsanaynna la hagaajiyo.

Gabagabadii Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa uu farriin u diray shacabka Dowlad degaanka Soomaalida, isagoo yiri ” aan taageerno wixii horay inoo wadaya, aan ka fogaano wixii dib inoo celinaya taas oo ah fariin macno badan “.

1993 dii bishii January 23keedii ayay aheyd markii la dhisay Maamulka Dowlad Degaanka Soomaalida, xilligaa waxaa Madaxweynihii ugu horeeyay loo doortay Cabdullaahi Maxamed Sacdi, iyadoo caasimaddiisana ay aheyd magaalada Godey, Balse Mudo kadib waxaa loo raray caasimadda Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida magaalada Jigjiga oo hadda ah caasimadda.

Maanta oy taariikhu tahay 23 January 2024 ayaa markii u horreysay laga xusayaa xuskan guud ahaan Dowlad degaanka Soomaalida.

WARARKA