spot_imgspot_imgspot_img

Maamulka Hirshabeelle Oo War Kasoo Saaray Dagaal ka socda Xadka Hiiraan iyo Sh,dhaxe

Talaado-23-jan-2024-{HMC} Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) ayaa ugu baaqay in beelaha Walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanno dhaca Xuduudka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe in aay dagaalka joojiyaan.

“Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo kan Wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle waxaan beelaha walalaha ah ee dagaalamaya ugu baaqayaa in aay dagaalka joojiyaan, dagaal wiil kuma dhasho walaalayaal adinka oo ah dad Diris walaal ah in xilligan dirirtaan waa ceeb, waxaana idinka codsan waxii tabasho ah oo jira Miiska wada-hadalka in aad ku dhameysaan” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle Cabdiraxmaan Daahir Guure.

Wasiirka ayaa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka labada beel in aay u is taagaan joojinta dagaalka waxuuna ballan qaaday in dowladda Hirshabelle kaalinteeda ka qaadan doonto joojinta dagaalkaasi, gogol nabadeed u dhigi doonto beelaha dagaalamaya si xiisaddan oo kale aaysan mar kale ugu soo laaban labada beel.

WARARKA