spot_imgspot_imgspot_img

Itoobiya oo ka Carootay Jawaabta ay beesha caalamku ka bixisay is-afgaradkii ay la gashay Somaliland

Talaado-23-jan-2024-{HMC} Iyada oo ay sii xoogaysanayso xiisadda Geeska Afrika, Itoobiya waxay dhaleecaysay falcelinta beesha caalamka ee ku aaddan heshiiskii is-afgaradka (MoU) ee ay dhawaan la gashay Soomaaliland.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Ridwan Hussien, ayaa ku eedeeyay jileyaal caalami ah oo aan la magacaabin inay cadow ku yihiin Itoobiya iyagoo ku gabanaya inay taageerayaan Soomaaliya.

“Iyadoo ay xaqiiqadu sidaas tahay, haddana jilayaasha qaarkood oo aan Soomaaliya wax badan ka taageerin xilliyadii ay baahidu jirtay, waxay isku dayayaan inay isu muujiyaan inay saaxiibo dhab ah yihiin, balse waxaa cad in waxa ku dhiirri-gelinaya aysan ahayn Soomaaliya, balse ay tahay cadaawad ay u qabaan Itoobiya. “ayuu yiri Redwan Hussien.

Carada Itoobiya ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay isa soo tarayaan dhaleecaynta caalamiga ah ee loo jeedinayo heshiiska is-afgaradka ah, kaas oo Itoobiya u oggolaaday inay 20 KM oo kamid ah xeebaha Somaliland ay hesho.

Todobaadkii hore raysal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa xaqiijiyey in maamulkiisu uu wajahayo cadaadis caalami ah oo lagu doonayo in la joojiyo heshiiskii ay la galeen Somaliland.

Itoobiya ayaa sidoo kale ku gacan sayrtay dalabkii Jaamacadda Carabta ee ahaa inay Itoobiya burburiso heshiiskii ay la gashay Maamulka Soomaaliland.

WARARKA