spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} } Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan laqatay Saraakiisha Ciidanka dowladda.

Talaado jan-23 2024-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay kulan muhiim ah oo uu isugu yeeray madaxda

hey’adaha amniga iyo difaaca Qaranka kaasi oo looga hadlayay xaaladda guud ee amniga, ciribtirka Khawaarijta iyo difaaca dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo warbixinno ka dhageystay Wasaaradda Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa tilmaamay in Xukuumadda

DanQaran ay ahmiyad gaar ah u leedahay sugidda amniga guud ee dalka, dib u xoreynta iyo xaqiijinta difaaca qaranka ee halis kasta oo ka iman karta gudaha iyo dibeddaba.

Kulanka ayaa waxa ka qaybgalay Ku simaha Wasiirka, ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, S/Gaas

Ibraahim Shiikh Muxiyaddiin Caddoow, Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Guuto Sulub Axmed Firin, Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Mudane Mahad Maxamed

Salaad iyo Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye.

WARARKA