spot_imgspot_imgspot_img

Soomaali Badan oo Muhaajiriin ah oo lagu la’yahay xadka dalka Ruushka iyo Finland

Isniin-22-jan-2024-{HMC} Sida ay sheegtay hay’adda socdaalka Finland, ilaa 160 qof oo sanadkii hore magangalyo ka codsaday dalka Finland ayaa la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen, iyadoo si lama filaan ah ay u soo badanayaan dadka muhaajiriinta ah ee kasoo gudbay dalka Ruushka ee galaya Finland

 

Finland waxay xirtay xudduudka bari ee ay la wadaagto Ruushka dabayaaqadii sannadkii hore, iyadoo ay sii kordhayaan tirada dadka ka imaanaya dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Suuriya ee doonaya in ay gaaran dalalka yurub

 

Dowladda Finland waxay ku eedaysay xukuumadda Moscow in ay dadka soo-galootiga ah u daabulayso xadduudka labada dal ay waadaagaan taas oo Kremlin-ka uu beeniyay

 

Hay’adda socdaalka ee Migri ayaa sheegtay in ay 1,323 codsi magangalyo ka heshay xudduudka bari intii u dhaxaysay bilaha Agoosto iyo Disembar ee sannadkii hore, qiyaastii 900 oo ka mid ah waxaa la qaabilay bishii November halka in ka badan 300 bishii Disembar

 

Hadda 160 qof oo ay ku jiraan kuwo kasoo jeeda Soomaaliya iyo Suuriya ayaa laga la’yahay xarumaha soo-dhowaynta, kuwaas oo intooda badan aan la garanayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay agaasimaha waaxda magangalyada ee Migri, Antti Lehtinen

 

Ilaa 18 qof ayaa la ogaaday in ay iska dhiibeen qaar ka mid ah dalalka kale ee Yurub, oo ay ku jiraan Netherlands, Belgium, Norway, Sweden, Faransiiska, Jarmalka iyo Switzerland, oo mar kale ay ka codsadeen magangalyo

 

Dabcan waa suurtogal in 160-kan intooda badan ay u sii socdeen waddamo kale, laakiin weli kama aysan codsan magangelyo wax waddan ah,” ayuu yiri Lehtinen

 

Waxaa uu sheegay in qof kasta oo Finland horey uga codsaday magangelyo looga qaaday faraha nidaamka Eurodac, oo ah kaydka xogta faraha ee Yurub oo dhan ay wadaagaan

 

Sida uu dhigayo xeerarka Midowga Yurub, waddanka koobaad ee qofka soogalootiga ahi uu iska dhiibo ama marka hore uu magangelyo ka codsado ayaa mas’uul ka ah socodsiinta codsigiisa

 

Horraantii bishaan Jannaayo, Finland waxay kordhisay muddada uu xirnaan doono xadka ay la wadaagto Ruushka illaa 11-ka Febraayo, iyadoo sheegtay inay u badan tahay in qulqulka muhaajiriinta magangelyo-doonka ay dib u billaaban doonto haddii xadka la furo

 

Madaxweynaha Finland Sauli Niinisto ayaa sannadkii hore ugu baaqay Midowga Yurub oo dhan in xal wada jir ah loo helo si loo joojiyo gelitaanka aan la xakamayn karin ee Yurub ee dadka muhaajiriinta ah

 

Khamiistii isbuucii hore, cutub ka tirsan ciidanka ilaalada xeebaha iyo xudduudaha Finland ayaa sheegay in ay baarayaan kiisas dhowr ah oo ku saabsan “caawinta socdaalka sharci darrada ah” ee la xiriira xudduudaha bari, iyaga oo looga shakisan yahay ururro dambiilayaal ah oo dadka tahriibiya

 

“Dhaqdhaqaaqyada sharci darada ah iyo socdaalka muhaajiriinta waxaa ay khalkhal gelinayan amniga xuduudka bari,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay ciidanka ilaalada xeebaha iyo xudduudaha Finland

 

“Waxaan ka shakisanahay inay jiraan ugu yaraan boqollaal qof oo weli isku dayaya inay safarkooda Finland uga sii gudbaan dalalka kale oo ka tirsan Midowga Yurub ayuu yiri madaxa kooxda baarista ee ilaalada xeebaha, Antti Raassina oo la hdadlay wakaalada wararka Reuters

 

Hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan xudduudda ayaa sheegtay in ay u diri doonto Finland saraakiil iyo qalab xoojin ah si ay uga caawiyaan booliska xuduudeeda ee dalkaasi qulqulka muhaajiriinta imaanaya dalka oo ay ku eedeeyeen in uu ka danbeeyo Ruushka.

WARARKA