spot_imgspot_imgspot_img

Dowlada Ethiopia oo quus joogta ka dib Dowlada Soomaaliya ay ka dhabeysay Hadafkeeda bada soomaliya

Isniin-22-jan-2024-{HMC} Shir madaxeedkii IGAD ee Khamiistii ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, wuxuu Soomaaliya siiyay tamar cusub oo ay ku difaacan karto biyaheeda

 

Shirka waxaa loo sameeyay maamuus ka xoog badan fadhiyadii hore. Daneeyayaasha reer galbeedka ayaa si weyn usoo buux dhaafiyay madasha, iyada oo Mareykanka qaateen kalmadii ugu xooganeyd ee lagu garab istaagay Soomaaliya

 

Midowga Afrika, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo Ururo waaweyn oo horey si aan leex-leexad laheyn ula saftay Soomaaliya ayaa sidoo kale fadhiyay meertada 42-aad ee madaxda IGAD

 

Dhamaan waxaa isha lagu wada hayay Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hagaajiyay safkiisa siyaasadda arrimaha dibadda ayaa jeediyay farriin digniin ah

 

Wuxuu sheegay in is-afgaradkii Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed inuu cawaaqib xumo usoo jiidi doono gobolka, si gaar ah inuu tabar cusub siin doono kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Geeska Afrika, taasi oo aan u wanaagsaneyn gobolka

 

Tani waa dharbaaxo weyn oo cariiri galinaysa heshiiskii 1-dii bishaan lagu gaaray Addis Ababa, kaasi oo ay saxiixeen Muuse Biixi Cabdi iyo Abiy Axmed

 

Ethiopia ayaa ka maqneyd shirka. Ethiopia waxay ku marmarsiyootay cariiri xagga jadwalka ah laakiin Abiy ayaa dorraad tegay Uganda, si uu uga qeyb-galo shir madaxeed kale oo ay lahaayeen dalalka dhex-dhexaadka ah. Waxaa halkaas laga fahmay in uusan jirin cariiri jadwal balse ay Ethiopia ku dhiiran weysay inay caalamka la timaado gefka ay kula kacday mid kamid ah dalalkii aas-aasay ururka Midowga Afrika oo ah Soomaaliya

 

Inay Ethiopia maqnaato faa’iido kale ayay u aheyd Soomaaliya, taasi oo cadeysay sida uu nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh ugu adkaaday siyaasadda arrimaha dibadda

 

Muqdisho taageerada ay ka heshay dalalka urur-goboleedka IGAD waxay u bedeli kartaa kuwo ficil ah haddii Addis Ababa ay isku deydo inay xoog ku meel-mariso heshiiskii ay la galeen Somaliland, oo kamid ah dhul weynaha Soomaaliya ayey leeyihiin dadka faalloonaya arrimaha Geeska Afrika

 

Dhibcaha uu madaxweyne Xasan Sheekh shalay kala tegay Kampala ayaa Itoobiyaanka siinaya quus kale oo ku saabsan dhaqan-galka is-afgaradkii Addis Ababa.

 

WARARKA