spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xassan Shiikh oo Qaahira kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta

Isniin-22-jan-2024-{HMC}Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Caadil Bin Cabdulraxman Al-Casoomi

 

Waxaa kulankaas goob ka ahaa xildhibaannada labada aqal ee dalkeenna ku matala Baarlamaanka Carabta

 

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha ayaa ka wadahadlay sidii loo horumarin lahaa xiriirka qotada dheer ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta

 

Waxaa uu uga mahadceliyey Jaamacadda Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed iyo garab istaagga xooggan ay ka muujiyeen ilaalinta qaranimada, midnimada, wadajirka iyo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya

 

WARARKA