spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Saciid Deni oo la kulmay Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka iyo masuuliyiin kale

Isniin-22-jan-2024-{HMC}  Magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland waxaa kusii qul qulaya madax hore iyo siyaasiyiin kala duwan, kuwaa oo ka qeyb galaya caleemo saarka madaxweynaha Puntland ee mar kale dib loo doortay

 

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay qasriga madaxtooyada ku qaabilay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon {Saacid} iyo Siyaasiyiin kale oo xilal dalka kasoo qabtay

 

Siciid Deni ayaana masuuliyiintan hore uga mahad-celiyay imaatinkooda Puntland iyo ka qeyb galka caleemo saarkiisa, waxa uuna warbixin ka siiyay xaalada Puntland iyo doorashadii uu mar kale guusha ka gaaray

 

Xaflada caleemo saarka madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in 25-ka bishan ka dhacdo magaalada Garawe, waxaana xaflada lagu casuumay oo ka qeyb galaya madax kala duwan uu ugu sareeyo madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud

 

WARARKA