spot_imgspot_imgspot_img

Taliyayaasha Booliska NISA iyo Meleteriga oo Kulan Deg deg ah ku yeeshay Muqdisho

Axad-21-jan-2024-{HMC} – Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya S/guuto Sulub Axmed Firin iyo Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta ka shiray amniga guud ee dalka.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii la isaga kaashanlahaa dagaalka ka dhanka ah Al shabaab isla markaana loo dadajin lahaa kaas oo mudooyinkii danbe ka socday qeybo kamid ah Dalka.

intii uu socday kulanka u dhaxeeyay taliyayaasha waxaa la isla so qaaday sida dalka looga difaaci karo Cadawga so damaacinaa mar walba iyo wax walba oo dhibaata ku ah Qaranimada Soomaaliya.

Gabagabadii shirkan ka dhacay Xarunta taliska Booliska Soomaaliya ayaa la isku afgartay in la sii xoojiyo amaanka Caasimada Dagaalka ka dhanka ah Al shabaab iyo lagawada shaqeeyo Difaaca qaranimada Soomaaliya.

 

WARARKA