spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweynaha Kenya oo ku guuleystay in loo meel mariyo sanduuq dhaqaale oo muran dhaliyey

Axad-21-jan-2024-{HMC}  Maxkamadda Racfaanka ee dalka Kenya ayaa fasaxday bixinta canshuuraha daryeelka caafimaadka ee muranka dhaliyay, taasoo meesha ka saartay mamnuucid hore

 

Sanduuqa Caymiska Caafimaadka Bulshada {SHIF}, oo ka mid ah siyaasadaha ugu muhiimsan ee Madaxweyne William Ruto, wuxuu raadinayaa inuu siiyo daryeel caafimaad oo jaban dhammaan dadka Kenyaanka ah

 

Laakiin waxay noqotay mid aysan jeclayn dad badani, kuwaas oo u arka canshuur cusub.

Dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in canshuurtani ay uga sii dari doonto maciishada haddaba qaaliga ah, taasoo sii hurisay mawjado mudaaharaadyo ah sanadkii hore

 

Hirgelinta SHIF waxaa joojisay Maxkamadda Sare bishii Nofembar ee la soo dhaafay ka dib codsi uu soo gudbiyay ganacsade Joseph Enock Aura, oo caqabad ku ah qaybaha nidaamka

 

Arrintan, ayaa waxaa barbar socday hakinta canshuuraha guryaha ee lagu muransan yahay, waxayna ka careysiisay madaxweyne Ruto, oo dhawaan si cad ugu eedeeyay musumaasuq qaar ka mid ah garsoorayaasha aan la magacaabin

 

Waxa uu sheegay in Hay’adaha Garsoorka ay kala shaqeynayaan Mucaaradka sidii loo hor istaagi lahaa Mashaariicda Dowladdiisa, taasi oo keentay in Qareenadu ay ka gadoodeen

 

SHIF waxa ay beddeshay Sanduuqa Caymiska Caafimaadka Qaranka ee tobannaanka sano jiray {NHIF}, kaas Balaayiin canshuurta dadka laga qaaday ah ku lumiyey musuqmaasuq.

WARARKA