spot_imgspot_imgspot_img

Golaha Aqalka Sare oo maanta ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hawlgabka

Axad-21-jan-2024-{HMC} Senatorrada Golaha Aqalka Sare ayaa maanta yeeshay kulankooda caadiga ah, iyada oo uu kulanka shirguddoomiyey Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaaka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Senator Cabdullaahi Cali Xersi {Timacadde}.

Kulanka maanta oo ahaa kalfadhiga afaraad kulankiis 7-aad oo ajandihiisu ahaa Akhrinta Saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Hawlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowalda, kaas oo todobaadkii hore dooddiisa ay soo bilaabatay.

Ugu horrayn, Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada Aqalka Sare Senator Cismaan Maxamuud Maxamed {Dufle} ayaa Sanatarrada la wadaagay xogta akhrinta saddexaad ee sharciga, waxaana la guda galay ansixinta sharciga, ka dibna waxaa loo qaaday sharciga codka kalsooni siinta, iyadoo codka kalsoonida siiyay 28 Sanatar, waxaa diiday labo Sanatar senator wax ka aamusana ma jirin.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Yusuf Maxamed Aadan, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare uga mahad celiyay waajib ka gudshada iyo meel-marinta sharciga Hawlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowalda kaas oo xaqiijinaya xaquuqda shaqaalaha hawl-gabka ah ee muddada badan u soo adeegayay Qaranka Soomaaliyeed.

WARARKA