spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Xamsa Cabdi Barre, oo maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Haweenka.

Axad-21-jan-2024-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqal

Insaanka, si uu ugu kuurgalo howlaha shaqo ee ay qaranka u xilsaaran tahay wasaaraddaasi, ka dib geeridii (AUN) Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay ay muhiim u tahay wasaradaha xukuumadda DanQaran, maaddaama ay wasaaraddu u xilsaaran ka shaqaynta qaybaha ugu muhiimsan

ee bulshadda oo ah haweenka Soomaaliyeed iyo xuquuqda aadanaha.
Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed bulshada ugu jiraan kaalin

muhiim ah oo ay ugu horreyso barbaarinta ubadkeena, isagoo intaa ku daray inay kaalin xoog leh ka soo qaateen halgannadii kala duwanaa ee dalka xiligii gumaystaha, burburkii

ka dib iyo hadda oo aynu halgankii ugu adkaa kula jirno haraadiga kooxda Khawaariijta iyo difaac dalka.

WARARKA