spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wiil Soomaali ah oo Lagu qabtay Dagaalka u dhaxeeyo Ukraine iyo Ruushka

Axad-21-jan-2024-{HMC} Dowladda Ukraine ayaa soo bandhigtay Caadil Cabdillaahi Maxamed oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo 28 jir ah, kaasoo ka tegay Muqdisho, laguna qabtay dagaalka Ukraine.

Ninkaan oo bixiyay wareysi kooban ayaa la sheegay inuu ka barbar dagaalamayey ciidamada Ruushka ee dagaalka kula jira Ukraine. Ukraine waxay horey u sheegtay inuu kamid ahaa calooshood u shaqeystayaal uu soo kiraystay dalka Ruushka.

Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay in uu Dowladda Ruushka u tagay si uu u helo shaqo milatari.

Wuxuu sheegay in loo ballanqaaday baasaboorka waddanka Ruushka iyo lacag ku dhow labo kun oo dollar.

Wuxuu sheegay in la qabtay todobadii January ee Sanadkan 2024.

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in ninkan Soomaaliga ah uu kamid ahaa 4 qof oo lagu qabtay dagaalka dalkeeda ka socda.

Waxay sheegtay in Ruushku uu soo kiraystay boqolaal askari oo calooshood u shaqeystayaal ah, si ay ula dagaalamaan ciidamada Ukraine.

ilaa hada Ma jirto macluumaad rasmi ah oo ka madax bannaan Ukraine oo xaqiijin kara in ninkan uu u dagaalamayay Ruushka.

Warar qaar ee laga helaayo Xaduudka Ukraine iyo Ruushka ayaa sheegaya inay jiraan dad muhaajiriin ah oo xoog lagu galiyay dagaalka ka socda Ukarine.

WARARKA