spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa KGS oo howlgal ka fuliyay degaano dhowr ah

Axad-21-jan-2024-{HMC} Ciidanka xoogga Dalka, ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey Deegaano ka tirsan Goof-gaduud Buurey Ee Gobalka Baay, waxaana howlgalka hoggaaminayey Taliyaha Ururka 47-aad Ee Guutada 8aad Qeybta 60aad Ciidanka Dhulka Xoogga X/le Ahmed Maxamednuur {Ahmed Dhagey}.

Howlgalka ayaa si gaar ah looga fuliyey degaanada kala ah Misgaale warta Kormar’ Duurow ‘mintaanka ‘Qurunlow Asharaaf’ Gololow’ Goof Golol iyo Degaanka Hareera Jiifa Ee Dhaca Bariga iyo Koonfur Galbeed Ee Xiga Degaanka Goof-gaduud Buurey Haraaw Ee Gobalka Baay.

Goobahaasi ayaa waxaa la sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab u aheyd maktab ay ka diiwaan-galinta xubnaha iyo goobo ay lacago uga qaadaan dadka shacabka ah ee Isticmaala Wadooyinka Baay iyo Bokool.

Ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka ayaa maalmahaan howlgallo ka dhan Al-Shabaab kawaday degaanno katirstan gobolka Baay,halkaa oo khasaara xooggan lagu gaarsiiyay Shabaabka, sida ay sheegeen saraakiisha horkacayay ciidamada.

WARARKA