spot_imgspot_imgspot_img

Xog Cusub oo Kasoo Korortay Kiiska Wasiir Cabdirashiid Janan.

Sabti jan-20 2024-{HMC}  Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo muddo todobaadyo ah la la’aa warkiisa ayaa xalay la helay isagoo nabad qaba.
Wali ma jirto faah-faahin rasmi ah oo la xiriirta halka uu jiray iyo cidda uu ku maqnaa balse waxaa la xaqiijiyey in hoygiisa la keenay oo haatan uu ku suganyahay.
Wasiirka Amniga ee dowlad-goboleedka Jubbaland General Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey warka ku saabsan in uu xorriyadiisii helay Wasiir hore Cabdirashiid Janan.

WARARKA