spot_imgspot_imgspot_img

Weerar dad Lagu layay oo ka dhacay degaano katirsan Somaliland

Sabti jan-20 2024-{HMC} Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa geeriyootay, saddex kalena way dhaawacmeen kadib markii uu nin hubaysani dad shacab ah rasaas ku furay deegaanka Ina Afmadoobe ee gobolka Togdheer ee Somaliland

 

Sida uu Maayarka degmada Qoryoole Xabiib Cige u sheegay Warbaahinta, ninka ayaa dad shacab ah rasaas ku furay, Cige waxa uu intaa ku daray in ninka dilka gaystay la qabtay

 

Waxa kale oo uu sheegay in ninka dilka gaystay ay rumaysanyihiin in uu maskada ka xanuunsanayo, taasina ay ku kaliftay in inta uu qori qaato uu dad shacab ah xabad ku furo

 

Marka laga yimaado hadalka maayarka ma jiraan ilo kale oo ilaa hada faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sida uu dilku u dhacay

 

Dhowr jeer ayaa degaano katirsan Gobolka Sool waxaa ka dhacay dagaal beeleedyo soo laab laabtay iyo dilal aanooyin qabiil ah, iyada oo Somaliland ay ku guuldareysatay inay wax ka qabato.

WARARKA