spot_imgspot_imgspot_img

NISA oo howlgal ku dishay horjoogayaal ka tirsanaa A,S iyo Magacyadooda

Sabti jan-20 2024-{HMC} Ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo kaashanayaa saaxibada caalamiga ah ayaa maanta howlgal culus ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle

 

Howlgalka oo ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsanaa kooxda oo ku sugnaayaa deegaanka Fiidow ee gobolka Shabeelaha Dhexe

 

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu dilay illaaa 7 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare

 

Todobo dhagar qabe oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka {NISA} oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka ay ka fuliyeen deegaanka fiidow oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka soo baxay dowladda Soomaaliya

 

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Dhagar qabayaasha lagu dilay howlgalkaan ayaa waxaa ka mid ahaa Saddex horjooge oo kala ahaa

 

Cabdiraxmaan Dheere oo hadda A,S u qaabilsanaa weerarada gaadmada ah ee kooxdu ka gaysato gobolka Shabeellaha Dhexe

Horjooge Mucaad oo asna ka tirsanaa isla qaybta weerada A.S ay ka gaystaan gobalka Shabeellaha Dhexe

Horjooge Cabdirisaaq Muuse Khaliif oo ahaa ku xigeenka Horjoogaha baadda iyo boobka shacabka ee ay ugu yerraan Sakawaadka

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sidoo kale sheegaya in weli howlgalka uu sii socdo, isla markaana dhaq-dhaqaaq xoogleh laga dareemayo dhulka hawdka ah ee Mahadaay

 

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda A.S, maadaama wajigii koowaad ee howlgallada ay ka dhaceen deegaanada maamulka HirShabelle.

WARARKA