spot_imgspot_imgspot_img

Muhaajiriin badan‘la waayay’ ka dib markii ay Finland ka soo galeen dhinaca Dalka Ruushka

Sabti jan-20 2024-{HMC} Ilaa 160 qof oo sanadkii hore xadka bari ee dalka Finland iska dhiibay, magangalyana codsaday ayaa tan iyo markaasi laga waayay xarumaha lagu hayo muhaajiriinta xilli ay sii badanayaan dadka magangalyo doonka ah ee Finland ka soo galaya dhinaca Ruushka, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka Finland

 

Finland ayaa dhammaadkii sanadkii hore xirtay xuduudka bari ee ay la wadaagto Ruushka, iyadoo ay sii kordhayaan tirada dadka ka imaanaya dalal ay ka mid yihiin Suuriya iyo Soomaaliya. Waxa ay ku eedaysay Moscow in ay soo galootiga ku soo qufeyso xuduudka Finland, taasi oo Kremlin-ka Ruushka looga arrimiyo uu beeniyay

 

Hay’adda socdaalka ee Migri ayaa sheegtay in 1,323 qof ay codsi magangalyo ka dalbadeen xadka bari ee dalkaasi intii u dhaxaysay bilihii Agoosto iyo December ee sannadkii hore, qiyaastii 900 oo ka mid ahna ay soo galeen bishii November, halka ilaa 300 ay iyana yimaadeen bishii December

 

Ilaa 160 qof oo dadkaasi ka mid ah ayaa hadda laga waayay xarumaha soo-dhowaynta, iyadoo aan intooda badan la garanayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay agaasimaha waaxda magangalyada ee Migri, Antti Lehtinen

 

18 qof oo ka mid ah ayaa iska dhiibay dalalka kale ee Yurub, oo ay ka mid yihiin Netherlands, Belgium, Norway, Sweden, Faransiiska, Jarmalka, iyo Switzerland

 

“Dabcan, waa suuragal in 160 ka qofba ay waddan kale u gudbeen, laakin wali ma jirto dal kale oo ay magangalyo weydiisteen,” ayuu yiri Lehtinen

 

Qof kasta oo magangalya doon ah ee yimaada Finland ayaa faraha laga qaadaa iyadoo la geliyo Eurodac-system, oo ah meesha lagu keydiyo xogta faraha ee ay wadaagaan dalalka Yurub, sida uu sheegay Lehtinen

 

Sida ay qabaan xeerarka Midowga Yurub, dalka ka tirsan EU ee uu qofka soogalootiga ahi marka hore iska dhiibo ayaa mas’uul ka ah codsigaasi magangalyo

 

Horaantii bishan, Finland waxa ay kordhisay muddada ay xirayso xadka ay la wadaagto Ruushka oo hadda ku eg 11-ka Febraayo, iyadoo sheegtay in ay u badan tahay in qulqulka soo galootiga magangalya-doonka ah ay dib u billaaban doonaan haddii xadka la furo.

WARARKA